← Dhugasho

Dhugasho № 01

Abaaraha, Cafimaadka iyo Caanimo-doonka

AFEEF 1: Maqaalkan yaree kooban ugama dan lihi inaan cid gaara ku beegsado aan ka ahayn madaxda dalka iyo guud ahaan caqliyada madaxda somalida oo dhan.

AFEEF 2: Sawirada aan isticmaalay dhamaan waa xaaladka jira gudaha dalkeena een aan heli karayay si aan fahankiina guud usoo dhaweeyo.

Shakhsi ka buka kalyahaShakhsi ka buka kalyaha

Wasiirka MadaxtooyadaWasiirka MadaxtooyadaXildhibaan BarlamaanXildhibaan BarlamaanDad abaaraysanDad abaaraysan

Ilahay (SWT) waxa uu inoo dhamaystiray diinteena oo ilahay SWT waxa uu yidhi:

...ٱلْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِى وَرَضِيتُ لَكُمُ ٱلْإِسْلَـٰمَ دِينًۭا...

Xaqiiq-dii ma jirto meel iyo xigasho ka qurux iyo xikmad badan inaan soo xigto aan ka ahayn quranka alleh iyo xadiista rasulka (SCW), bal inta aqoontayda diimeed gadhsisentahay waan isku dayaya inaan kuugu hogo tusaaleeyo anigo adeegsanaya awaamirta ka sugnaatay quranka iyo xaadista.

Ma hadhooyinka taarikhda somalida ee inta madow ku gadaaman maaha mid aan halkan kaga wada gayoon karo, balse inta aan rabbo inaan tilmaamo waa dayaca iyo xukum xumaanta aynu wadno taaso dad badanina ay la dhiban yihiin markaynu ilawnay hadafkeenuna noqday "ninkii nin u hadla ayaa wax heli".

Labada dhacdo ee ugu wayn een maqalkaygan rabbo inaan kaga faalodaa waa: abaaraha, cafimaadka iyo caanimo-doonka.

ABAARAHA

Abaaruhu waa masiibo aynu dabiiciyaynay, haa xaqiiq waa masiibo oo wati laynagu sune yeelayba tukashada salaad u gaar ah roob waydiisiga ilahay (SWT):

خرج النبي صلى الله عليه وسلم إلى المصلى يستسقي، واستقبل القبلة، وقلب رداءه، وصلى ركعتين

Xaqiiq-da kale eynu is diidsiino waa ma keni karno roob khasab ah oo nimcad rabaaniya, balse nimcada rabbinaga badanka waynu dayacnaa oo badaha iyo dhulkunbay hoos u galaan, kalama hadhno mustaqbalka wixi dib loo cabi lahaa amase lagaga hor tagi lahaa roob kale oo dayac inaga noqda.

CAFIMAADKA

Sawiradan maqaalkan la socda runtii calooshayda aadbu u gubay laba mid koodba: "dayaca cafimaad ee dadkeena ka imada" iyo "dayaca caafimaad ee dawladeena ka yimaada".

Cafimadku waa shardi iyo shayga koobad ee qof walbaba, qoys walbaba iyo qaran walbaba ay tahay inuu ka horaysiiyo baahiya walba oo kale oo jira.

KA BULSHO AHAAN: ma jiran wax ino kala socan wixi afkeena galaya, wixi kasoo baxaya iyo wixi maskaxdeenaba galaya amase kasoo baxaya. Maskaxduna waaba ta laga yaabo inaad is waydiso muxu mesha kaga soo daray, sababto ah somalida idilkeed uguma jirto list-ka oo mentaly dad badan ayaa u buka.

Muqaalka aan sawirka kaso dheegtay, waxa aad uu ii tusay dayaca ka muuqda xarumaha cafimadka iyo marmarsiiyaha aynu ka dhiganayno qarashka lacagaha inagaga baxaya dhisida kaabayal cafimaad oo bulshadeena kor u qaada, awoodna inoo siisa mid cafimaadkeeda ka adag.

KA DAWLAD AHAAN: lacagaha aynu ku bixino mashraxyada laga dhiso caanimada/buunbuuninta shakhsiyadeed iyo waxaynu nidhaa sumcada ayaa kaliya ka badan baahi walba ee laysku yidhaa Sustainable Development Goals (SDG). Mase jirto oo waxa shakhti walba mentality-giisu noqday dhisida sumcad iyo buun buunin. Tusaale: dawladaa ku dhawaaqday inay iibsatay "3000 buug". Dawladu waa tee, ma dadkaa mise waa shakhsiyaad? Cid gaara ma khuseeyo oo laga ibsaday ereygaa danbe, aan ka ahayn cida aan madaxda ka dhiganay.

CAANIMO-DOONKA

Ka soomali ahaa waxa aadka inoo dhex qaaday waa waxa afka qalaad lagu yidhaa "Fame" oo noqonaya caanimo iyo in umadda lagaa dhex sheego.

Sumcadu lama mid aha caanimada, aan ku celiyo, sumcadu lama mid aha caanimada, sababta oo ah sumcad waxa yeesha qofka laga amaan-sheegto ee maaha qofka amaan-sheegta.

Dhulalka somalidu dagto waxa aad ugusoo badanaya qorida buugaag, nuxurkiisu yahay "Jacayl", "Badal naftaada", "Dhis bulsho" oo badanka ay qoreen da' ka yar 40 jiro. Kolay aqooni kuma xidhna da', oo 40 jirkaba waxa jira wax wali ka dhiman, haddana maskax ahaan waa "mature", oo ugu yaraan waxan u aanayn karaa mawduuca uu ka hadlay inuu khibrad u leeyahay.

Dhinac hadii aan ka eego waa fursad iyo talabo cusub oo inoo korodhay mar hadii dadkeenu waxna qorayaan waxna akhriyayaan, dhinac kalena waaba fa'ido darro oo dad kale maqalkooda maskaxeed wax qaldan ayaynu ku shubaynaa.

Doorka dawlada ee buugagtan wadanka soogalaysa lagu dhex qorayo ayaa ah in xaflada lagusoo marti qaado dabaded buugasi laga iibsado qoraaga qoray, ku darsoo ma oga wax content-ku yahay aan ka ahayn "Ciwaanka". Muhiimadu waa in magaciisu ka muuqdo martiqaadka odhaahda iyo dhaleecaynta loo jeedinayo Somalia-na ay meesha ku jirto, sido kale dhinaca Somalia yadna waa lamid dhaleecaynta loo jeediyo jufo amase deegan kale.

GUNAANADKA

Runtii gaar qof uma dhaleecaynayo, shaqsibaan ku ahay aragtiyahan sarre, waxanse jeclaystay bal inaan kuu iftiimiyo dhacdooyinkan week-ga yaryari kasoo wareegeen, ee dhamantood gudaha dalka ka dhacay. Sadexdaa dhacdobana dhamaantood waxay xidhiidh la leeyihin ka bulsho ahaan caqliyadeena iyo hab fikirkeena. Xaqiiq ka somali ahaan wax intan aan sheegay ka badanbaa qaldan, sidasoy tahay ka bulsho ahaan iyo ka madax ahaanba indhaheenu dhinac aan xalinta dhibatoyinkan ahaynbay u jeedaan. Ilahay (SWT) hayna siiyo garashada oo idil eeynu dhamaandoot ku xalin lahayn.

Wa'allahu yaclam

Abdule Y.