AbduleAbduleAI Research
HomeDhugashoResearchLibraryConceptsAbout
EmailGitHubXLinkedInFacebookCassivelle

© 2026 Abdule · built in the open

← Concepts

Concept · Article

Xogtaadu waa Xog

6 May 2026Somali

My setupMy setup

Qiyaastii waa 2035, aduunkanina wuxu u socdaa dhinac malin-ba malinka ka danbaysa dadku isusoo dhawanayaan, taas oo ay jirto wax aan u kala qarsoonayn, garro oo jiilkeenan ayaan ka hadlayaa.

Waxa kaliya ee aynu ku nahay dad jira oo xadarado cusub soo saara yadoo aan ka shiidal qaadanayno xadaradihii horee inasoo gaadhay. Taarikh ahaan, waa taarikhda qoran ama maqal ahaan hadhay ee aynu ka dhaxalnay dadkii inaga horeeyay. Ilahay (SWT) waxa uu yidhi:

لَقَدْ كَانَ فِى قَصَصِهِمْ عِبْرَةٌۭ لِّأُو۟لِى ٱلْأَلْبَـٰبِ ۗ مَا كَانَ حَدِيثًۭا يُفْتَرَىٰ وَلَـٰكِن تَصْدِيقَ ٱلَّذِى بَيْنَ يَدَيْهِ وَتَفْصِيلَ كُلِّ شَىْءٍۢ وَهُدًۭى وَرَحْمَةًۭ لِّقَوْمٍۢ يُؤْمِنُونَ

Surah Yusuf, Ayah 111 (12:111)

Quraanka kariimka ah ayaa inagu wargeliyay in qisooyinka dadkii hore ay u tahay cibrah (casharro) dadka caqliga leh.

Ibn Khaldun ayaa si uu u sifeeyo in taarikhdu dib isu qorto yidhi:

"Tagtadu (taarikhda) waxay u eegtahay mid mar kale soo noqon doonta, si lamida sida dhibic-da biyaha ahi ugu eegtahay biyaha kale."

DULUCDA MAQAALKAYGAN

Tusalayasha sarre hadii aan ka imado, maqaalkaygani ma daarna ka hadalka taarikh, ee waxa aan bud dhig uga dhigayaa mooganaanta iyo dayacnida inaga muuqata marka ay timaado baraha bulshada. Technology-gu waa wax sii xoogaysanaya oo malin-ba malinka ka danbeya wax cusub inoo hor seedaya, dhib iyo dheefba leh. Dhibta laga dhaxlaana waxay ku kala xuntahay inaad hindisahaa gacanta ku hayso ood hayso wixi laga hor tagi lahaa, iyo in aad isticmaale (user) aad ka tahay.

Field-kan aan takhasuskiisa wado ee garaad gacmeedka (Artificial Intelligence) waxa u ka mid yahay hindisihii ugu hadal haynta badnaa ee taarikhda technology-ga sanadoyinki lasoo dhaafay, kaas oo malinba malinka xigana kor usii kacaya, ilaa lagu wado in la helo garaad ama maskax is keed awood u leh shaqo walba in uu iskii u qabsado si lamida ta ibna-aadanka: system baran-kara wax ku cusub, sababaysan kara shaqada uu rabbo inuu qabto, la qabsan kara shaqo, ugu danbaynna qaban kara.

Waxa kaliyee garaad gacmeedkan awooda siin karaa waa xog (data), taas oo ah 70% process-ka lagu diyaariyo garaad gacmeedyada aan badankeen isticmaalno. Xogtasani waa mid aduunka shirkad walba u ah waxa kaliyee ay ku dhaafto tartamayaasha kale ee suuqa, meesha ugu badan ee xogtani ka timaadana waa Internet-ka.

Internet-ka markan idhi maaha hal shay uun. Waxan isku dayi doona inaanan technical xoog u gudo galin, waxanan rabba inaad fahanto dhibatada ee maaha terminology-ga. Xogta (data) ay helaan shirkadahani ee ay AI-yadan awoodooda aan la yaabno badanka inooguso saaran waxa loo kala qaybiyaa sadex qaybood oo wawayn, midbana midka kale ayay kasii wax tar badan tahay oo ay ku dadaalan helidooda:

  • Public Open Data: waa xog furan oo shirkad walba ay heli karto si nadiif ah oon wax shuruuci ku xidhnayn; waxa kamida Wikipedia, xogaha dawladu ay furtay iyo qaar kalo badan.
  • Web-Crawled Public Content: wixi ka danbeyay sanadii 1999 ilaa haatan waxa batay kusoo bandhigida macluumad amase articles-ka qofku qoro ama shirkadu ugu talo gasho isticmalayasheda ee lagu bahinayo internet-ka; taasina waxay awood siinaysa in dhamaan qayb walba oo xog ah aan laga tagin oo laso dheegto.
  • Licensed/Purchased Data: qaybtanina waa qayb shirkaduhu isku gartaan heshiis dhex mara si ay xog isu waydarsadaan garaystaan.

MOGANAANTA JIRTA

Mogananta jirta ey tahay inaad ogsoonata waa in xog ay tahay xog, sidii loo helaana ay dhex mari karto cidda shirkada isticmalaha aad ka tahay iyo shirkadaha kale. Way jiraan qawaanin iyo shuruco ay shirkadahani maraan oy ku qasban yihiin inay ilaaliyan (sida inagu aan u aragno), balse waa qoral la badali karo, kana heshiin karaan dawlada shirkadas amarta iyo shirkaduba.

Tusale waxan u qaadanayaa shirkada Facebook. Shirkadani waa shirkadaha ugu wawayn ee ay bulshoyinka aduunka isticmaalan. Qof walbaba waxa u xor ah inuu ku share gareeyo wixi uu rabbo oo dhan, laga reebo wixi anshaxa ka hor imanaya (anshaxooda). Sidasoy tahay, qodobkan rabbo inaan halkan ku iftimiyaa waa in Meta, oo ah shirkada ay hoos imadan Facebook, Instagram iyo WhatsApp, ay kamid tahay shirkada ku tartamaya saaxada samaynta garaad gacmeed awood u leh intaan soo sheegnay. Waxaana xaqiiqo ah in xogtada ay isticmaalen: post walba ood soo dhigtay, sawir walba ood soo dhigtay, video walba ood soo dhigtay, xatta hadii aad "only me" aad ka dhigtay. Waanay cadeeyen qodobkan.

Digniin kama dhigayo inaan halkan waxba lagu share-garayn amase aan lasoo dhigin. Ee maqaalkaygani waxa uu daran yahay inaan ku darensiyo xog inay tahay xog, ayna tahay in wax lagasoo saaro (data mining). Waxaase haboon wixi aan halkan ku share garaynayno inaan ogaano inaynu isticmaale nahay, awood badana aynan u haysan heli xogo dheeriya oo ka dhex jira shirkadan si aan wax ugu qabsan karno. Tanoo kaliyana maaha, ee dhamaan baraha bulshada iyo shirkadaha kaloo dhamina waxay si hoose u isticmaali karaan dhaman xogeheena.

DHIBAATOOYINKA DHICI KARA (IRAN & USA WAR)

Tusale yar hadi aan kuso gabagabeeyo sharaxadaydan xogaha public-ga ah: dagaalki dhawayto ee Iran iyo USA/gumaystaha zahyooniga ah u dhexeyay, waxa lasoo wariyay in waaxda dagaalka maraykanka ee lagu magacaabo (Department of War) ay isticmaaleen Claude, oo ah garaad gacmeed (AI) ay leedahay shirkada Anthropic, iyo Maven Smart System oo ay isticmaasho waaxda difaaca markaykanka, si ay u diyaariyaan list dhamays tiran oo ah bar tilmaamed (target) si saacadaha ugu horeya dagaalka halkaa loo beegsado.

Marka laga yimado inta saxda ahayd, dhacdadii aduunku ku war helay in waxooshtani ay afka tahay ilaalinta waxay ugu yeedhen xuquuqda guud ee dad aan hubaysnayn la weeraro, waxa ku jira elementary school amase dugsi hoose oo arday yaryari dhiganaysay, halkaas oy gantaalo ku garaaceen yagoo ku qancay caawinti garaad gacmeedkan. Aan nidhahno hadda awood sidasa malaha, haddana ku qancidiisi waxay noqotay mid sababtay dhimashada caruur badan oon waxb galabsan. Ee bal qiyaas 2040, inagoo xogeheeni shaqsi, wajigegeni iyo dhaman dhaqdhaqaqena la hayo, side qaab dagaalka aduunku noqon doona?

Ku dhawaad 10 paper research oo la xidhiidha AI Ethics ayaan akhriyay; waxa ugu waynee aan arkayna waa ka digitaanka mustaqbalka dhaw, sida qaab dagaalka aduunka iyo jihada maamulku ay noqon doonto.

SHEEKH MUSTAFE

Ilahay haka raali ahaadee, waxa uu dhawr cisho kahor ka hadlayay sida product-ga laynooguso iibgeeyo ee aynu inaguna si daacada u isticmaalno, product-gaas oo kii lahaa uusan isticmaalayn sababo la xidhiidha dhibta uu leeyahay awgeed.

GUNAANAD

Hadalkayga waxaan ku bilaabay in taarikhdu is qorto isna soo celiso. Waxanad is waydinaysaa maxan ula jeeday mar hadii aan xog ka hadlayo: xogaha barri ay jiilka danbe barran doonan waa xogaha aynu hadda daabacayno ee hadhaw taarikh u noqon doona, taasina waa ta hadhaw soo noqon doonta ee laga yaaba inaad adigo ka qoomamaynaya aad dib u dhugan doonto.

Inta aan helayno dawlad adag oo inuun xogaha dalkan isku dayda inaan dibada laga helin amase si yaroo fudud loo isticmaalin, waxa haboon inaan ka digtoonano dhibatoyinka inooga iman kara isla xogaha inagoo ku qanacsan aan bixinayno.

Abdule Y.