← Concepts

Concept · Article

Neurons: Maskaxda iyo AI-ga

Somali

Waxybaha aanan wali ka wada gayoon ee malinba malinka ka danbeya ii fura albaab aan dhamaad lahayni waa abuurta iyo xikmada ilaahay (SWT) ka ibna-aadan ahaan inoo sameeyay. Waxa kali ah ee inagaga filan yaqiinta in uu jiro ilaah (creator) ka danbeya aduunka iyo dhamaan shay walba oo jira; aynu inagu ugu sharaf badnaanee (ibna-aadanka) waa u fiirsashada sida quruxda badan ee laynoo abuuray.

Culuumta la xidhiidha helida garaad (intelligence) ah mid lamida ta ibna-aadanka, waxay ku qasabtay saynisyahanada in ay isku dayaan barashada sida garaadkeena ibna-aadan ahaan u shaqeeyo bilow ilaa dhamaad. Balse maysan suuro galin, oo wax-yabaha qaar waxay yihiin wax ka madax banaan awoodena, sida ilahay inoogu sheegay quranka karim-ka ah:

وَيَسْأَلُونَكَ عَنِ الرُّوحِ ۖ قُلِ الرُّوحُ مِنْ أَمْرِ رَبِّي وَمَا أُوتِيتُم مِّنَ الْعِلْمِ إِلَّا قَلِيلًا

wayasalunaka anilruuhi ۖ qulirruuhu min amri rabbiya wamaa uutiitum minal ilmi illaa qaliilaa

Surah Al-Isra, Ayah 85 (17:85)

Daqiiqad walba oo naftaada kamida waxay haboon tahay mahadnaqa ilaahay (SWT) iyo inaad yaqiinsato awooda uu ilahay ina siiyay.

NEURONS

Waa maxay Neuron? Neuron waa unug (cell) ku nool maskaxdada kaaso hela fariin (message), go'amiya in farintasi muhiim tahay (decide): hadday haa tahay is dhaafiya, hadii kalena is ilawsiiya (pass it on or stay silent).

Waan arkaa in aananad wali waxba ka fahmin, ee aan horta ku siiyo xogtan yar. Maskaxdeena ka ibna-aadan ahaan waxay ka kooban tahay 86 billion neurons. Neuron walbana shaqadisu waa helida fariin, go'aaminta in ay muhiim tahay iyo in kale, ka dibna is dhaafinta ama is-aamusinta. Suashadu waa: halkee ka imanaysaa go'aamada ay maskaxdu qaadato iyo sida awaamirtu u dhacdo?

Ka soo qaad in maskaxdeenu leedahay waaxo (parts), waax walbana ay hawl qaabilsantahay, balse waax walbaba ay qasab tahay inay la shaqayso waaxaha kale.

QAYBAHA MASKAXDA

  • Prefrontal Cortex → go'aan qaadashada
  • Amygdala → cabsida iyo khatarta
  • Hippocampus → xasuusta
  • Limbic System → dareenka
  • Thalamus → macluumaadka inasoo gelaya
  • Motor Cortex → amarka jidhka

Waaxahan ayaa waax walbaba ka kooban tahay balaayin (billions of neurons) oo Neuron, waax walbabana takhasuskeedu waa hawl iyo shaqo gaara.

TUSAALE

Aan ku siiyo tusaale yar oo soo koobsanaya sida guud ahaan maskaxdeenu u shaqayso, si aanan kuugu wareerin biologically.

Kasoo qaad dab ayaa ka kacay goob aad joogto:

  1. Maskaxdeena markaba waxa xogta soo galiya waa Thalamus.
  2. Kabacdi waxa shaqada markaba la wareega Amygdala, oo is waydiiya: waxani ma khatarbaa mise maaha?
  3. Isla markaana aynu dib u jaleecno soo-jireenimadii hore ee maskaxdenu kaydisay (experience) oo qaybtas aynu ku eegno: waxan hore maw arkay amase maso maray? Kaas waa Hippocampus.
  4. Jawabaha sualahan oo laysku daray ayaa ina siiya go'aanka u danbeeya ee ay gaadho waaxda Prefrontal Cortex.
  5. Halka fulinta iyo maamulida ay waaxdasi u adeegsato Motor Cortex — tusaale: ka fogow goobtas dabku ka kacay, dabadeed lugahaga ayaa dhaqaqi doona, yado awaamirta kale ee maskaxdu bixinaysona aan kala joogsi lahayn.

Intani waa tusalaha ugu yar een kaa siin karo sida go'aanku u gaadho maskaxdu. Dabcan kuma takhasusin amase maan barran culuumta maskaxda (neuroscience), balse waa tusalaha ugu fudud een kuusoo baadhi karayay, si aan kuu dhex keeno aduunka garaadka macmalka ah (AI), si aad u fahanto halkee ka yimid isku dayida in la sameeyo intelligence ku dhadhaw ka aadamaha.

Sidaan hore uga dhawaajiyay, ma jiro wali si buuxda oo ay saynisyahandu u ogaadeen sida dhabta ah ee maskaxdu u shaqayso bilow ilaa dhamaad. Balse inta laga war qabo waa inta kaliftay in la sameyn karo wax ku dhadhaw oo u shaqeya sida teena ibna-aadan ahaan.

NEURONS IN AI

Waa maxay Neurons-ka macmalka ah (Artificial Neurons)? Sida maskaxdenu u leedahay neuron, AI-na waxa uu leeyahay neuron kiisa gaarka ah, oo markan ku dhisan xisaab iyo numbers, balse ay wadaagan sida guud ee xogtu u gasho labadan Neuron iyo sida jawaabta (output) loo filanayo.

Maqaalkena kan xiga ayaan iskula eegi doona technically sida math-kani u dhisan yahay iyo sida loo copy-yeeyay shaqada maskaxdeena, bi'idnillah.

Abdule Y.

RandomRandom